DHAGEYSO: Soomaaliland iyo Turkiga oo ka wada hadlay Abaaraha

Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Turkiga ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka Labada dhinac, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Hargeysa ku qaabilay Qunsulka cusub ee Turkiga u fadhin doona Soomaaliland.

Kulankan oo ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Safiirka cusub ee Dowladda Turkiga u fadhin doona Soomaaliland ayaa waxa ay si gaar ah iskugula soo qaadeen Abaaraha, Dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaalialand Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay kala hadleen sidii ay wax uga qaban laheyd Abaaraha ka jira Degaanada Soomaaliland, Waxbarashada iyo Maalgashiga.

Abaaro aad u daran ayaa ka jira dalka gaar ahaan Gobolada, oo ay ugu horeeyaan Degaanada Soomaaliland, waxaana socda dadaalo Soomaaliland ay ku badbaadineyso shacabkeeda.