DHAGEYSO: Shabaab oo weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan DF

Sh/Hoose-RisaalaFM- Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, waxa ay weerar abaabulan ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Millitariga ku leeyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa soo maray dhanka Xeebta Degmada Baraawe, waxayna beegsadeen Saldhigyada ciidamada Millitariga ku leeyihiin isla Xeebta Degmada Baraawe, halkaasi oo dagaal xoogan uu ka dhacay.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex, oo wareysi siiyay Risaala ayaa sheegay in ciidamada Shabaab ay gubeen hal gaari oo nooca Cabdi bilaha ah, kaasi oo ay lahaayeen ciidamada Millitariga.

Sidoo kale Xuseen Barre Jeex Gudoomiyaha Degmada Baraawe, ayaa sheegay inay iska caabiyeen Shabaabka weerarka soo qaaday, Khasaaraha ka dhashay dagaalkana uu ku kooban yahay.

Waxaa jira Khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi, kuwaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, hayeeshe waxaa adag helida macluumaadka saxda ah ee Khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa dib uga baxay Magaalada Baraawe gudaheeda, kadib dagaalka oo ku dhawaad saacad socday.