Maamulka Somaliland ayaa Amaro kasoo saaray Masaajidda kala horeeya Aadaanka Saaladda Maqrib ee degaanada maamulka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda diinta maamulka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Somaliland in aysan aqbali doonin in xilliyada Saaladda la kala hormarsiiyo.
Wasiirka ayaa sheegay imaamyadda qaarkood ay adimaan iyadoo aan la gaarin xilligii Afurka, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay qaataan Amarada wasaaradda diinta oo aysan ku xirnaan imaamyadda kaliya.
Ugu dambeyii Wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo diinta Islaamka.
Somaliland ayaa qaar kamid ah Imaamyada Magaalada Hargeysa ku eedeysa in ay adimaan iyadoo aan la gaarin xilligii Afurka.


