DHAGEYSO: Siyaasiyiinta Puntland oo dhaliilay hishiiskii Garowe

Qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanada Puntland ayaa dhaliilay hishiiska magaalada Garowe xalay ay ku gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo dhigayay in Puntland ka tanaasushu diidmada nidaamka 4.5.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu ka talaabay balantii uu horey uga qaaday shacabka Puntland.

Wuxuu sheegay in shacabka Puntland uu horey uga balanqaaday inuu tixgilin doono rabitaankooda oo marnaba aysan ogolaan doonin nidaamka 4.5, balse uu haatan ka baxay balantii.

Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Puntland horey u cadeeyeen aragtidooda ay ku diidan yihiin nidaamka 4.5.

Xigashada codka Radio Daljir