DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya oo ka hortageyso dilalka qorsheysan

Wasaarada amniga gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay iney ka hortagayaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimada Muqdisho gaar ahaan kuwii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha C/kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in laamaha amaanka ee dowlada ay ka hortagayaan dilalka qorsheysan ee maalmihii dambe ku soo badanaayay caasimada Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu sheegay in aysan u dulqaadan doonin in shacabka Muqdisho ay dareemaan cabsi iyo wal wal la xiriira amniga Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hada gacanta ku hayaan rag loogu shakisan yahay iney ka dambeeyeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay muqdisho.

Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii wasaarada amniga gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay hub iyo rag loogu shakiyay iney ku lug lahaayeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.