DHAGEYSO: Sidee Saxaafada Soomaalida door muhiim ah kaga qaadan kartaa isbadalka bulshada ?

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigaayay wax-qabadka Afartii sano ee lasoo dhaafay ee hay’addaha taageera ururada warbaahinta ee ka jira dalka ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan IMS-FOJO.

Waxaana ka soo qeyb galay munaasabadaan dhamaan ururada warbaahineed ee dalka, Khuburo dhanka Saxaafada ah, Suxufiyiin, iyo gudoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha Shacabka Mudane Khaalid Macoow Cabdiqaadir.

Gudoomiye Macoow oo munasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa si qeyxan u sheegay in muhiim ay tahay taageerada hay’addaha IMS-FOJO, waxa uuna sheegay in door muhiim ah ay ka qaataan tayeenta saxaafada Soomaalida.

Hoghaayaha guud ee ururka SOMA oo ay ku mideysanyihiin ilaa 38 xarumo warbaahineed ahna Agaasimaha Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cabduwahaab ayaa munaasabadaasi ka sheegay in iyaga oo kaashanaaya hay”addaha┬áIMS-FOJO in ay tababar siiyeen malaayiin suxufiyiin Soomaaliyeed ah.

Hadaba halkaan hoose ka dhageyso warbixin warkaan ku saabsan oo uu wariyaha Idaacadda Risaala Maxamed Abuukar Dabaashe inooga diyaariyey.