DHAGEYSO: Shirka Waxbarashada Sare oo maanta la soo gabagabeynayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirkii looga hadlaayay arimaha waxbarashada , gaar ahaan waxbarashada Sare.

Shirkaan ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ka socday muddo dhan 3 maalmood, waxaana qeybgalayay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo quburo caalami ah  oo aqoon durugsan u leh tayeynta waxbarashada Sare.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro qodobo muhiim ah oo lagu tayeynaayo waxbarashada sare ee dalka .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu soo xiro shirka .