DHAGEYSO: Shirka midowga baarlamaanada oo Zambia ka furmaya

Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay shir maanta ka furmaya dalka Zambia.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socda midowga baarlamaanada, waxaana baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu qeyb galaya ilaa 3 Xildhibaan.

Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa sidoo kale sheegay in shirka diirada lagu saarayo arrimo badan oo ay qeyb ka yihiin xaaladaha Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada Soomaaliya ugu qeyb galaya ay shirkaasi ka jeedin doonaan khudbado ay kaga hadlayaan Soomaaliya.

Dalka Zambia ayaa waxaa maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay Shir loogu hadlaayay xaalada dhalinyarada Soomaaliya, waxaana Shirkaasi Soomaaliya ugu qeyb galay Xildhibaano dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi.