DHAGEYSO: Shirka Madaxda M/goboleedyada oo maanta baaqday

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu waday in uu ka furmo Shirka  madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed,Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ku wada sugan magaalada Kismaayo, kadib markii shalay iyo maanta uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyay Gudoomiyaha Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Cabdi Cali Raage oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa goor dhow Warbaahinta u sheegay in Shirka uu berri furmi doono,islamarkaana maanta uu u baaqday sababo la xariira xagga Farsamadda.