Beydhabo-RisaalaFM- Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa lagu wadaa in maalinta beria hh uu si rasmi ah kaga furmo shirka ay isugu imaanayaaan Madaxda Soomaalida ah ee ah shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo looga hadlayo arimaha Doorashada iyo waliba dhameystirka isbedelka la doonayo in sanadkan uu dalka ka hirgalo.
Waxaa haatan magaaladaasi ku sii qul qulaya xubno badan oo ka qeyb galaya shirkaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro Xildhibaano iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Beydhabo.
Waxaana sidoo kale lagu wadaa in magaalada Beydhabo ay gaaraan Mas’uuliyiin ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada iyo sidoo kale Xubno ka socda Beesha Caalamka kuwaas oo ka qeyb galaya shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo 22-ka Bishan ka furmi doona magaalada Beydhabo.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beydhabo ayaa sheegay in shirka maalinta beri ah uu si rasmi u furmi doono wax dib udhac ahna uusan jirin.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Soomaalida sidoo kalena la rajeynayo in qodobo muhiim ah ay ka soo baxaan.
Amaanka magaalada Beydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana iska kaashanaya ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.


