DHAGEYSO: Shir nabadeed oo ka socda Marka

Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta ka bilowday shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelo dhowaan ku dagaalamay magaalada Marka.

Sarkaal ka mid ah ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Marka Xuseen Maxamed Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay dadaalada nabadeed ee ka socda magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.