DHAGEYSO: Shir Maanta ka Furmaya Gaalkacyo

Wasiiro ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu waddaa in ay maanta Shir ku yeeshaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa shir horudhac u ah waxaa shalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa Shirkaan ka qeyb galay Wasiiro ay ka mid ah yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Maxamed Xayir Nuur iyo Wasiirka degaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame.

Wajigii labaad ee Shirkaan oo looga hadlaayo nabadeynta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu waddaa in uu maanta ka Furmo Gaalkacyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Maxamed Xayir Nuur iyo Wasiirka degaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo Saxaafadda si wadajir ah ula hadlay, waxaa ay sheegeen in shirkaan uu noqon doono midkii lagu soo Afjari lahaa Colaada gobolka Mudug.