Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah uga furmay shirka Siyaasada Amniga Qaranka, kaasi oo uu ka qeyb galayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shalay gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee maanta shirka kaga qeyb galaya magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah Saraakiil ciidan, Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ujeedka shirkan ayaa ah sidii loo gorfeyn lahaa isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo xilligan meel wanaagsan maraya marka loo eego Jubbooyinka.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta waxa ay booqdeen xarumaha ciidanka xoogga dalka ee maaalada Kismaayo halkaas oo ay ciidamadu kula hadleen.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland u sheegay in ay isku diyaariyaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ka bilaaban doona gobolka Jubbada Hoose.
Mas’uuliyiinta dowladda ee jooga magaalada Kismaayo ayaa inta ay joogaan halkaasi waxa ay dhiira gelin u sameyn doonaan ciidmada xoogga dalka oo dhowaan bilaabi doona howlgal ka dhan ah Al-shabaab.


