DHAGEYSO: Shil Gaari oo ka dhacay wado xiriirisa Berbera iyo Hargeysa

Shil Gaari ayaa Saakay ka dhacay Wado xiriirisa Magaalooyinka Berbara iyo Hargeysa.

Shilka ayaa waxa uu dhacay ka dib markii ay isku dhaceen Gaari yar oo ah midka ay Soomaalida u yaqaanaan NOHA iyo sidoo kale gaariga qaada xamuulka ee loo yaqaano Candho meydlaha.

Shilka Gaari ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhawaca, waxaana ku dhintay 4 ruux, Halka 3 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Risaala.

Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaalada magaalooyinka Hargeysa iyo Barbara oo ka wada tirsan Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland weli ma aysan ka hadlin shilkan Gaari ee geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.