DHAGEYSO: Shirka Hormarinta Qorshaha Qaran oo Beydhabo ka furmay

Beydhabo-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ka furmay shirka Qorshaha Hormarinta Qaran -2017-ka iyo 2019-ka.

Shirkan magaalada Beydhabo ka furmay ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya iyo Wasiirada Qorsheynta maamulada dalka ka jira iyo xubno kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay sidii loo heli lahaa Qorshe Qaran oo dhameystiran.

Shirkan magaalada Beydhabo ka furmay ayaa waxaa la filayaa in isla maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo dhinacyada ka qeyb galaya la filayo in ay soo bandhigaan talooyin muhiim ah.

Wariyaheena Siid Cali Muuse Maxamed oo inooga soo warama magaalada Beydhabo ayaan arimahaasi ka wareysanay.