DHAGEYSO: Shil Gaari oo ka dhacay Dangoroyo

Nugaal-RisaalaFM- Ugu yaraan 4 Qof ayaa ku dhimatay oo labo ka mid ah ay yihiin Haween 7 kalena way ku dhaawacmeen, kadib shhil gaari oo ka dhacay Degaanka Dangoroyo ee  Gobolka Nugaal.

Shilkan ayaa ahaa mid xoogan, maadaama sawiro laga soo qaaday shilkan ay muujinayeen bur bur xoogan oo soo gaaray labada Gaari ee isku dhacay.

Dadkii ku dhawacmay shilkan ayaa waxaa loola cararay isbitaalada ku yaalla Magaalada, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Xoghayaha Degaanka Dangoroyo ee Gobolka Nugaal oo uu ka taliyo Mamulka Puntland C/qaadir Abshir oo la hadlay Risaala ayaa sheegay maalmahan in ay soo badanayeen shilalka nuucaan oo kale ah.

Shilkan ayaanan aheyn shilkiii ugu horeeyay ee ka dhaca Degaanka Dangoroyo ee Gobolka Nugaal oo uu ka taliyo Mamulka Puntland