K/Afrika-RisaalaFM- Howlgalkan oo ahaa mid ay sameynayeen Ciidamada ammaanka ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo qabtay in ka badan 5,000 oo haraga Dameeraha ah.
Holwgalkan oo ay Boolisku ka sameeyeen Duleedka Magaalada Johannesberg ayaa lagu soo qabtay 5,000 oo maqaarka Dameeraha ah, kadib markii Booliska ay soo wargeliyeen Dadka Degaanka.
Booliska ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin Dameerahan in si sharci daro ah loogu qalay Dalka Koonfur Afrika, islamarkaana maqaarada laga saaray, kaas oo loo waday Dalka Shiinaha.
Sidoo kale Booliska ayaa waxa ay tilmaameen in haraga intaan la eg ee la soo qabtay ay dhabar jab weyn ku tahay kooxaha ka shaqeeya ganacsiga sharci darada ah.
Ka ganacsiga haraga Dameeraha ayaa laga faa’isdaa malaayiin Dollar, maadaama loo iib geeyo Dalka Shiinaha, Daawo ahaana loogu isticmaalo.
Dadka qaar ee Shiinaha ayaa aaminsan in haraga uu Daawo u yahay Dumarka oo Caadada ku xiranta, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa Daaweynta hurda la’aanta iyo wareega dhiiga.
Ilaa iyo hada ma jirto cid loo soo qabtay arrintan, balse Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay hayaan macluumaad ku saabsan, ragga falkan ka dambeeya.


