DHAGEYSO: Sheekh Shaakir oo magacaabay Guddiga Amniga

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa dhowaan martigelineysa shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii ay horey u wada gaareen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Dhuusa-mareeb ayaa iksu diyaarineysa soo dhaweynta wufuud kala duwan oo dhinacyo kala duwan ka socda, waxayna isugu jiraan wufuud ka kala socota Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Madaxa fulinta xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay Guddi amni oo ka shaqeynaya sugidda amniga shirweynaha ka dhacaya Dhuusa-mareeb.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxa fulinta Xukuumadda Galmudug waxaa warbaahinta u aqriyay Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:-

  1. C/laahi Cabdi Raage     (Guddoomiyaha Guddiga Amniga)
  2. C.naasir Axmed Jaamac Xubin   (Xubin)
  3. Maxamuud Yaasiin Faarax          (Xubin)
  4. Cabdi Galad Muxumed Qeyrshe   (Xubin)
  5. C/laahi Maxamed Aadan             (Xubin)
  6. Maxamed Aadan Axmed             (Xubin)
  7. Bashiir Sheeekh Axmed              (Xubin)
  8. C/xakiin Maxamed C/raxmaan     (Xubin)
  9. Mahad Cabdi Xirsi                       (Xubin)

Xasan Cismaan Cabdulle, Radio Risaala, Galgaduud