DHAGEYSO: Sheekh Maxamed Atom” Dagaalka Shabaab ma ahan mid jihaad ah”

Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab,balse isku soo dhiibay dowladda federalka Soomaaliya bishii June sanadkii 2014, ayaa ka hadlay dagaalka Ururka al-shabaab ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, Isagoo ku tilmaamay dagaalkaas in uusan ahayn mid jihaad rasmi ah.

Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa wuxuu sheegay marka la eego dagaalka Al-shabaab xilligan ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana uu tusaalooyin u soo qaatay daadinta dhiiga qofka Muslimka ah.

Maxamed Siciid Atam, ayaa tilmaamay inuusan aheyn shaqsi dambiile ah, balse uu yahay qof qaatay heshiis Nabadeed, heshiiskaasi oo uu ku sheegay inuu yahay mid uu ku qanacsan yahay.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Sheekh Atam, wuxuu sheegay Jihaadka inuu yahay sida Salaada oo kale, balse Jihaadka shabaabka ay wadaan uu yahay mid Khilaafsan kii Nabiga NNKH uu ku baaqay oo wado kale ay u dhigeen Jihaadka.

Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa magangelyo ka helay dalka Qatar.

Saraakiil sare oo ka tirsan Shabaabka oo isku soo dhiibay dowladda federalka Soomaaliya ayaa laga saaray Liiska Xubnaha loo aqoonsaday inay yihiin Argagixisada.

Hadalkan ayuu ka sheegay wareysi uu siiyay T.V-ga UNIVERSAL.