Shacabka ku nool Magaalada muqdisho muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan ugu hadlay shirka ka soconayo Dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul.
Waxay sheegeen qaarkood in aysan natiijo wanaagsaneyn oo ay ku farxaan ka soo baxeyn shirkaasi maadaama sida ay sheegeen aan lagu qaban Dalka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegeen in shirkaasi aan loo dhameyn isla markaana aysan ka qeyb galeyn Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ay sheegeen in ay wanaagsanaan lahayd in ay talo ku lahaadaan.


