DHAGEYSO: Shacabka ku dhaqan Sh/Hoose oo loogu baaqay in ay Midoobaan

Sh/Hoose-RisaalaFM- Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa dadka ku nool gobolkaasi.

Ibraahim Aadan Cali Najax oo ah Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal fara badan uu ku bixinayo sidii loo mideyn lahaa dadka ku nool Shabaeelaha Hoose iyo xalinta Dagaal beeleedyada ku soo laab laabtay gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ka shaqeynta Xasiloonida, Midnimada gobolka ay tahay mid ku xiran shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadalkan ka soo baxay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ku soo aadaya xilli weli magaalada Marka ay ka taagan yihiin Dagaal Beeleedyo.