Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusa-mareeb, wuxuuna ka warbixiyay socdaalkii Muqdisho uu ku yimid.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, Saraakiil Ciidan, Dhalinyaro iyo Haween.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wax walba ay ku soo dhamaadeen is fahan iyo wax isla meel dhigid.
Waxa uu sheegay in ay rajeynayaan cuseebka hada u bilowday Soomaalida in uu ku bulaasho oo ay ku barwaaqowdo, isaga oo sidoo kale sheegay in ay u mahadcelinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay ku dadaaelyso dhisida Ciidamo tayo leh oo dalka cadowga ka difaaca.
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray ka hor Caleemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Farmaajo.



