DHAGEYSO: Duqa Muqdisho oo lacago lagu wareejiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka ayaa maanta lacago loogu tala galay in wax loogu qabto dadka Abaaraha ay saameeyeen ee ka soo barakacay Gobolada dalka ee soo gaaray Muqdisho waxa ay ku wareejiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) waxa uu ku wareejiyay lacag dhan 150,000 oo Dollar, oo loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ku nool Muqdisho ee ka soo barakacay Abaaraha.

Waxa uu sheegay Sheekh Nuur muhiim in ay tahay lacagtaasi in si deg deg ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, maadaama Abaarta marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) ayaa ka mahadceliyay lacagtaasi, wuxuuna sheegay in ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadka loogu tala galay, isagoo sidoo kale shacabka Muqdisho ugu baaqay ka qeyb qaadashada Gurmadka Abaaraha.

Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka ee heer Federaal ayaa horey Maamul Goboleedyada qaar ugu wareejiyay 150,000 oo Dollar, si loogu gar gaaro dadka Abaaraha la ildaran.