DHAGEYSO: Sarkaal ka tirsan dowladda oo Qarax ka badbaaday

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada arimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho.

Gaariga Qaraxa lagu Xiray ee Qarxay ayaa waxaa lahaa Wiil dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Afrax oo ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada Shaqaalaha Gaar ahaan dhabarka dambe ee Shaleemo Soomaali.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay gaariga Qaraxa loogu xiray Wiilka dhalinyarada ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ka badbaaday qofkii gaariga loogu Xiray isla markaana uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.