DHAGEYSO: Saraakiisha Millitariga Hiiraan “Shabaab saanad Millitari ayaan ka qabsanay”

Hiiraan-RisaalaFM- Saraakiisha ciidanka Millitariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan oo faah faahin ka bixinayay Dagaalkii Shabaab ay kula galeen gobolkaasi ayaa sheegay in ay ku soo furteen saanad Millitari sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha ciidanka ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Maxamed Cumar Cabdulle oo ah Abaanduulaha Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Howlgalkan uu ka dhacay deegaano 30 KM u jirta gobolka Hiiraan, sidoo kalena wuxuu sheegay qorshaha inuu yahay sidii looga saari lahaa deegaanada gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay deegaanka Luuq-jeelow.

Wuxuu sheegay sidoo kale sheegay Maxamed Cumar Cabdulle in Howlgalkaasi ay ku soo furteen 7 Qoryo, Rasaas iyo saanad Millitari oo ciidanka ah.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxa ay guulo ka sheegteen dagaalka shalay ay ciidanka dowladda kula galeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.