Muqdisho-RisaalaFM- Roobab xoog leh ayaa xalay ilaa iyo maanta waxa ay ka Da’een magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow dhow, waxa ayna saameyn ku yeesheen saakay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo biyo xoog leh ay buux dhaafiyeen wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.
Roobabkan ayaa Da’ayay Xalay ilaa iyo maanta, waxaana Jidadka oo dhan buuxa biyaha ka dhashay roobkan, iyadoo ay dadku qaar lugeynayaan jidadka cariiriga ah xaafadaha qaarkood.
Saameynta ay yeesheen roobabkan ayaa ah xerooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah, kuwaas oo ay biyuhu qaadeen sida ay sheegayaan dadka jooga Xeryahaas.
Roobabka ayaa sidoo kale waxa ay saameyn ku yeesheen Ganacsatada, Dadka Guryaha Dhisa, iyo Ardada, waxaana qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay Idaacadda Risaala ay sheegeen in maanta Roobka Da’ay uu ku yeeshay Saameyn xoog leh oo shaqadooda iyo howlahooda kale ay hakad gashay.


