Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladsda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa sheegay Wasiirada, Wasiira ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha ee uu maanta magacaabay ay xilalkooda weyn doonaan hadii ay faafiyaan xogta Dowladda.
Waxa uu sheegay Wasiiradaasi in looga baahan yahay in ay ilaaliyaan sirta iyo xogta Dowladda, islamarkaana aysan banaanka soo dhigin wax walba oo Dowladda gaar u ah.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu la xisaabtami doono dhammaan Golaha Wasiirada, isaga oo sheegay in looga baahan yahay in ay la yimaadaan isbedel dhab ah.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Dowladsda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee uu maanta magacaabay.



