Farmaajo oo magacaabay xilal cusub

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay masuuliyiin cusub oo ka mid noqonaya Maamulka Madaxtooyada Soomaaliya.

Xilalka la magacaabay waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Agaasimeyaal kale iyo la Taliyeyaal.

Halkaan ka Akhriso magacyada masuuliyiinta la magacaabay.

1.Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

2.Prof Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda.

3.Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha

4.Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada.

5.Cabdinuur Maxamed Axmed,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.