Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay naftiisa in uu u huro dalka, una geeryoodo, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu ku booqan doono Farumaha Dagaalka.
Waxa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirada ay diyar u yihiin in ay taageeraan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u helaan niyad wanaag.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu kala qeyb geli doono Dagaalka ka dhanka ah ee ay kula jiraan ururka Al-shabaab.
Hadalka ka soo baxay Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Madaxda Dowladda Federaalka ay horey u sheegeen in ay garab taagan yihiin Ciidanka xoogga.



