Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo sii deyn lahaa Wariyeyaasha xiran.
Waxa uu sheegay in lagu soo wargeliyay Wasaarada Warfaafinta in Wariyeyaal ay ku xirran yihiin Xabsiyo ku kala yaalla Magaalooyinka Adis Ababa oo ah Caasimada Dalka Itoobiya iyo Magaalada Hargeysa oo Caasimad u ah Maamulka Somaliland.
Waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo sidii uu Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ugula hadli lahaa labo Wariye oo u xiran.
Wasiirka ayaa sheegay in labadaasi Wariye la Xukumay oo Maxkamad la soo taagay balse ay ku dadaalayaan sidii xuriyadooda dib loogu soo celin lahaa.
Waxa uu Saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay iney hubiyaan Barnaamijyada iyo Wararka ay Warbaahinadooda ka sii deynayaan isla markaana hubsiimo iyo Taxadar ay sameeyaan.
Maanta ayaa waxaa Magaalooyin ka mid ah Caalamka iyo Soomaaliya loogu dabaal dagay Xuska Maalinta Xuriyadda Saxaafada Aduunka ee 3-da May.



