Dhageyso:-RW Kheyre oo fariin u diray Shacabka Kismaayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalada xeebeedka Kismaayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo kaga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.

Waxa uu sheegay in Shacabka Kismaayo inay yihiin dada nabada jecel,hayeeshee inta uu ku sugan yahay Magalada uu Bulshada Reer Kismaayo qeybahooda kala duwan uu la kulmi doono.