Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala oo ka mid ah warbaahinada maxaliga ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay u dabaal degeysaa sanad guuradeedii Lixaad, tan iyo markii la Aas aasay.
Sanadguurada Idaacadda Risaala sanadkan kuwii hore waa ay ka duwan tahay, maadaama dalka ay jiraan Abaaro aad u daran, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo duunayada.
Sidaasi darteed Idaacadda Risaala, Jaamacadda JOBKEY iyo Isbitaalka SOMALI-SYRIAN ayaa waxa ay iska kaashanayaan Barnaamij gar gaar ah, gaar ahaan howlaha caafimaadka, kaasi oo ka dhacaya xero Barakacayaal ah oo ku taalla Degmada Kaxda.
Maamulada Idaacadda Risaala, Jaamacadda JOBKEY iyo Isbitaalka SOMALI-SYRIAN ayaa tagaya goobta lagu sameynayo howshan gar gaarka, halkaasi oo sidoo kale lagu qabanayo Munaasabad kooban.
Maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Risaala ayaa waxa ay hambalyo kal iyo lab leh u dirayaan dhammaan saaxiibada Risaala ee ku xiran warbaahinta Risaala FM 102.2-MHz iyo website-ka Radiorisaala.com ama Risaala.net
Xarunta Dhexe ee Idaacadda Risaala waxaa maanta soo booqonaya saaxiibada doonaya in ay farxada la wadaagaan shaqaalaha Risaala, waxaana adin diyaarinay Barnaamijyo idin raali gelin doona.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa ka warbixinaya barnaamijka Caafimaadka ah ee maanta ka dhacaya degmada Kaxda iyo sidoo kale Sanad guuradii Lixaad ee idaacadda Risaala.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO


