DHAGEYSO: Ra’iisulwasaaraha ” Waan ognahay cida ka danbeeysa Qaraxyada Muqdisho”

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in la ogaaday cida ka dambeeysa Qaraxyada ka  dhaca Muqdisho iyo sidoo kale gobolada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dad u badan u xirtay Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya , islamarkaana ay sharciga horkeeni doonto.

Ra’iiulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hayso xogo badan oo ku aadan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku kalsoontahay amniga dalka , islamarkaana ay ku raja weyn tahay in ay sugto amniga Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta Qaraxyada iyo sidoo kale weerarada lagu qaado magaalada Muqdisho.