Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku gurmadaan oo is caawiyaan madaama Abaaraha ka jira Soomaaliya ay kasii darayaan maalinba maalinta ka dambeysa.
Mudane Kheyre ayaa sheegay in sida ay maanta isku caawiyaan Bulshada Soomaaliyeed in ay qeyb ka noqon doonto taariikhda Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in ay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed ay muujiso isku tashi.
Waxaa uu tilmaamay in kaalmo laga sugo dalka dibadiisa ay ka wanaagsantahay iscaawinta Umadda Soomaaliyeed.



