Dhageyso:-Ra’iisul Kheyre” Weli ma dhamaan dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab”

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in weli uusan dhamaan dagaalka dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab, hayeeshee dagaalkaas uusan aheyn mid hadda la dareemayo.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dib u habeyn ku heyso Ciidamada,isla markaana tirakoob guud lagu sameeyey Ciidamada,sidoo kalena la ogyahay tiradooda saxda ah  iyo taliyeyaashooda.

Waxa uu sheegay  Kheyre iyo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa laga qaaday imtixaan ay yihiin dhalinyaro gudan kara waajibkooda Shaqo, kana guuleystaan cadawga dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan dib u habeyn ku wadnaa ciidamada,waxay nagu qaadatay ku dhowaad laba sano in ciidanka dhamaan la soo tiriyo lana ogaaday meelaha ay kala joogaan,Saddex wiil oo mid 30 Sanno jiro laba min 26 jiraan ayaan ciidanka u dhiibnay, runtii aniga idinla hadlaayo ayaa imtixaan ka qaaday,waxayna muujineysaa godka aan ku dhacnay inta uu la egyahay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar ku cel celisay inay dib u habeyn ku sameyneyso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ugu guuleystaan dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.