Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, C/laahi Cali Watiin, oo Wareysi gaar ah siiyayay Idaacadda Risaala ee muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidanka amniga ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen raggii soo abaabulay qaraxyadii ka dhacay bartamaha Baydhabo.
Gudoomiye Watiin, ayaa intaa ku daray in baaritaano habeenimadii magaalada laga sameeyay lagu ogaaday in mid kamid ah geerishyada ku yaala magaalada laga soo abaabuley isla markaana ragga gacanta lagu dhigay qaarkood ay qirteen falkaas in ay ka dambeeyeen.
C/laahi Cali Watiin, guddoomiyaha degmada Baydhabo, ayaa sidoo kale sheegay in ragga la qabtay ay tiradooda u dhaxeyso 6-7 isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad sugidda koofur galbeed Soomaaliya.


