Ra’iisul wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Magaalada Muqdisho ka furay Shirwayne Qaran oo looga arrinsanayey horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Boostadda iyo Isgaariinta dowladda Soomaaliya , waxaana uu socon doonaa Muddo Saddex maalin ah.
Waxa ka qeyb galaya Shirkaan wasiiro ka tirsan dowladda federaalka , xildhibaano , wasiiradda isgaarsiinta maamul goboleedyadda , xubno ka socday shirkadaha isgaarsiinta.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo la hadlayey ganacsatada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ganacsatadda Soomaaliyed looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka iyo dhismaha dowladdanimada taas oo sare u qaadaysa tayeynta ganacsigooda.



