DHAGEYSO: Qodobo La isku Mari La’yahay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii Sadexaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Waxaana arintaas Walaac ka muujiyay qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka .

Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska ee maamulka Galmudug, Maxamed Maxamuud Guure oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka hadlay qodobada ugu waa weyn ee la isku mari la’yahay.