Doomo Qaad siday oo lagu qabtay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xeebta Jazeera ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay galabta ku qabteen halkaasi Labo doomood oo siday Qaad sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Labada doomood ee la qabtay ayaa la sheegaya in ay kasoo baxeen Xeebta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay gaareen goobta lagu qabtay labada doomood , islamarkaana wararka qaar ayaa sheegaya in la xiray dadkii doomaha waday iyo sidoo kale Ganacsatadii iska lahaa Qaadkaasi.

Labada doomood ayaa la sheegaya in ay sideen qaad aad u farabadan oo loogu talagalay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dowladdda Soomaaliya ayaa todobaadkaan joojisay Qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya , waxaana muddo 3 maalin aan qaad la keenin magaalada Muqdisho.