Hiiraan-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay dad ka soo barakacay Abaaraha, kuwaas oo ku sugan Gobolka Hiiraan.
Dadkan ay Abaaraha saameeyeen ayaa inta badan waxa ay ka soo barakaceen Degaano ka tirsan Maamulada Puntland iyo Somaliland.
Cali Jeyte Cusmaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay dadka soo barakacay tiro ahaan in ay gaarayaan Toban Kun oo qof, isagoo sidoo kale sheeegay dadkan in ay ku nool yihiin xaalad aad u xun.
Waxa uu Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqay in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan dadkan dhibaateysan.
Abaaro Lixaad leh ayaa waxa ay ka jiraan Gobolada Dalka, gaar ahaan Degaano ka tirsan Puntland iyo Somaliland, waxaana Abaarahaasi u dhintay dad iyo duunyo.


