DHAGEYSO: Qasaaraha qaraxyadii ka dhacay Baydhabo oo sii kordhaya

Ugu yaraan 60 qof ayay gaartay Tirada Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,iyadoo dhimashada dhimashadana ay gaareyso 35 kalei, iyadoo dadkaan intooda badan ay ahaayeen dad iyagu cayaaro ku daawanayay ilaa iyo labo maqaaxiyood oo ku yaala Afar irdoodka magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxa ay sheegayaan in wadaan samata bixinta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Baydhabo, waxaana uu intaas ku daray in dadka qaar dhaawacyadooda ay yihiin kuwo halis ah, iyadoo qaar dadka ku dhaawacmay qaraxaasi maanta muqdisho loo soo qaadi doono.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Baydhabo saakay guud ahaan lagu daadiyay Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Booliska iyagoo halkaasi ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu halkaasi ku dhintay  Wasiir ku xigeenkii Hub ka dhigista iyo dhaqan soo celinta maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa Dowladda federaalka iyo Hay’addaha Caafimaadka ka dalbaday in Gurmad loo fidiyo Dadkaasi ay Musiibadu ku dhacday.