Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya aysan saaka joogin degmada Tayeeglow Madaam Al-Shabaab ay dagaal culus ay kusoo qaadeen degmada Tayeeglow.
Degmada waxaa ka dhacay Qaraxyo xoogan oo ismiidaamin ah sida uu idaacadda Risaala u sheegay gudoomiyaha degmada Tayeeglow.
Khasaaraha dhabta ah ee ka dashay dagaalka ka socda degmada Tayeeglow ayaa la ogeyn madaam uu dagaalku uu socdo muddo aad u dheer.
Gudoomiyaha degmada Tayeelow ayaa sheegay in Shabaabka ay u yimaadeen gurmad aad u farabadan , waxaana uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay iskaga baxeen Magaalada oo dagaalka hada uu kasocdo meel banaanka ka ah degmada Tayeeglow.
Dagaaladan oo ahaa kuwa xoogan ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana Ciidanka Dowladda ay iska caabin kala kulmeen Dagaalyahanada Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Bakool Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegay Dagaaladan in ay ku dileen ku dhowaad 40 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay dhankooda in Dagaalka looga dilay 6 Askari oo kaliya.
Shabaabka weli kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay Degmada Tiyeeglow oo Saraakiisha Dowladda ay sheegeen 40 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan in ay dileen.


