Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta bilaabay qaadista Dhagaxaanta lagu xiray Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka banaadir uusan u dul qaadan doonin Wadooyinka Sida Sharci darada ah ku xiran.
Afhayeenka Maamukka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maanta ay fureen Wadooyin Dhagxaan dhowr ah oo lagu xiray isla markaana ay maaanta ka qaadeen dhagaxaantaasi.
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu go’aan ku gaaray in la furo dhamaan Wadooyinka Xeran ee Muqdisho
Wadooyinka la furay Maanta ee dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah Wadada Maka Al Mukarama iyo Wadada ka timaada Iskooska KM4 ee soo hormarta Hotelka Naasahablood soona aada dhanka Wadada Afisiyooni.


