DHAGEYSO: Q.M iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay taageerida Soomaaliya

Kulankan gaarka ah ee magaalada muqdisho ku dhex maray wakiilka Ergeyga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo safiirka imaaraadka carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arimo ku aadan taageerada dowladda Soomaaliya ay ka hesho Qaramada Midoobay iyo sidoo kale isutaga Imaaraadka Carabta.

Safiirka wadanka isutaga Imaaradaaka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi ayaa waxa uu kulanka uu la qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wakiilka uqaabilsan Soomaaliya.

Waxa uu kaga hadlay arimaha kaga aadan taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya ay siiso Imaaraadka Carabta iyo sidii loo kordhin lahaa.

Wakiilka Ergeyga gaarka ah xoghaya guud uqaabilsan Q.M arimaha Soomaaliya Mr.Michel Keating ayaa dhankiisa mahadcelin waxa uu ujeediyay isutaga imaaraadka carabta oo uu sheegay in taageero la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida.

Wakiilka xoghaya guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya dhankiisa waxa uu sheegay in ay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan dowladda federaalka Soomaaliya.