DHAGEYSO: Puntland “xabsiyadeena laguma jirdilo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya”

Maamulka Puntland ayaa waxa ay war ka soo saartay eedeymo loo jeediyay oo ku aadanaa in xabsiyada ku yaalla deegaanada Puntland lagu jir dilo dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in arintaasi ay tahay waxba kama jiraan.

Waxaa sidoo kale warkaan lagu sheegay in dadka lagu hayo xabsiyada Puntland qaarkood baaritaano lagu sameynayo.

Dhanka kale Afhayeenka madaxtooyada Puntland C.laahi Axmed Quraan-jecel oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka jawaabay eedeymo ay ujeediyeen qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Quraan-jecel ayaa dhankiisa sheegay in Puntland aysan ukala soocneen dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo dadka Puntland.

Waxaa jira boqolaal ruux oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ku xiran xabsiyada maamulka Puntland, waxaana lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen ururka Al-shabaab.