DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay la shaqeynta Farmaajo

Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay si weyn ula shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay xiriir wanaagsan oo dhinacyo badan ay la yeelan doonaan Madaxweyne farmaajo, maadaama Maamulka Puntland uu ka mid yahay Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale Madaxda Maamul Goboleedyada ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, islamarkaana ay la yeeshaan xiriir wanaagsan, si dalka hormar loo gaarsiiyo.

Hadalka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha cusub uu u baahan yahay taageero uu ka helo Maamul Goboleedyada.