DHAGEYSO: Xilliga DP-world lagu wareejinayo Dekada Berbera

Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Soomaaliland ayaa 1-da March ee sanadkan 2017-ka waxa uu Dekada Magaalo xeebeedka Berbera ku wareejin doonaa shirkada DP-world oo horey ay heshiis ula saxiixatay.

Shirkada DP-world ayaa Qandaraas ahaan loo siiyay Dekada Magaalada Berbera mudo ku siman 30 sano oo ay dib u balaarin ugu sameyneyso Dekada, sidoo kalena wixii ka soo baxa ay Qoondo ahaan ula qeyb saneyso Maamulka Soomaaliland.

Afhayeenka Maamulka Soomaaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay arrintan in ay tahay mid si weyn wax uga bedeleysA shaqada Dekada iyo howlaheeda kale.

Shacabka Soomaaliland ayaa horeY Madaxdooda ugu eedeeyay in ay ku fashilmeen Hoggaaminta iyo u adeecsanaanta shacabka, waxaana ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan heshiisyada lala galaayo shirkadaha ajaanibta ah.