Muqdisho-RisaalaFM- Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qaraxa maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal Risaala ka tirsan oo goobta gaaray.
Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo isugu jiray dad ka cunteynayay Maqaaxi goobta ku taallay iyo dad goobo ganacsi halkaasi ku lahaa.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in gaariga Qarxay nuuciisa uu ahaa Harriyar, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku marayay wadooyinka Qardajeexa sidaasina Isgoyska Kaawo-godey ugu dhex Qarxay.


