Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle, kaddib bilooyin uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Jowhar ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed (Faal), Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo xubno kale.
Madaxweyne Cosoble ayaa lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa ku dhawaaqo Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle, iyadoo inta badan la soo gaba gabeeyay wada tashiyadii ku aadanaa dhismaha Golaha Wasiirada iyo sida beelaha u qeybsanayaan xilalka ugu muhiimsan.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhowaan labo bil ugu kordhiyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudada uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada, iyadoo ay u dhamaatay hal bil, bishii labaadna u socoto.



