Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof.
Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay Ehelada dadkii maanta ku geeriyoodey Qaraxii loo adeegsaday Gaari nuuciisa uu ahaa Harriyar oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku marayay wadooyinka Qardajeexa sidaasina ugu Qarxay ugu dhex Qarxay kaawo-godey.
Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxan oo u badnaa shacab halkaasi ganacsi kala duwan ku lahaa.
“Qaraxii ka dhacay suuqa kaawo-godey ee Degmada Wadajir wuxuu cadeyn u yahay bahalnimada Al-shabaab, Shacabka iyo Ciidamada waa in ay hal meel uga soo wada jeestaan, si looga guuleysto” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa Ciidamada ammaanka faray in ay xoojiyaan dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, si guul looga gaaro shacabkana ay ugu noolaadaan nolol raaxo leh.


